Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo ka wada Washington + Sawirro

0

WASHINGTONWA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka kulan muhiim ah waxa uu kula yeeshay šš¢šžš„š¬ š€š§š§šžš§ oo ah Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, xili uu gaba gabo ku sii dhaw yahay shirka sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024-ka.

 

Kukanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay koow ka tahay sidii labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen kobaca maaliyadda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dhinac ee ku qotoma Maalgalinta mashaariicda horumarineed.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdiga uu hoggaaminayo waxa ay kulan miro-dhal ah la qaateen xubno sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Mareykanka oo kamid ah Dowladaha sida dhaw ugala shaqeeyay Dowladda Soomaaliya ka gun gaariddii barnaamijkii Dayn Cafinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbihii ay ku muujin laheyd kaalinteeda Wadamada Gobolka ee horumarinta Hannaanka Maaliyadda oo dadaal xoogan la galiyay sanadihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here