Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiir ka socda Sweden

0

MUQDISHO — Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden, Mr. Benjamin Dousa, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Soo dhaweynta oo ka dhacday qeybta martida gaarka ah ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (VIP) ayaa labada wasiir waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah oo ku saleysan danaha wadajirka ah.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay doorka iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya dib-u-dhiska dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga shisheeye, iyagoo muujiyay rajo ku aaddan in xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu sii xoogaysto.

Socdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Sweden, oo qaadan doona laba maalmood, ayaa la filayaa inuu kulamo muhiim ah la yeesho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool u ah dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here