Sawirro: Shir u dhexeeyo DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay kulankii 22-aad ee shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Shirkaan ayaa looga wadatashanayaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maamulka Maaliyadda Dalka, qeybsiga kheyraadka iyo mideynta cashuuraha, taas oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Maxamuud Janaqoow ayaa soo dhaweyn kadib furitaankii shirka waxa ay dhageysteen talooyinka Wasiirada Dowlad-Goboleedyada, waxa ayna ka jawaabeen su’aalaha la xiriira horumarinta Maaliyadda iyo wadashaqeynta guud.

Shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda heer federal iyo heer D.Goboleed ayaa la filayaa in berri la soo gabagabeeyo. Waxaa kulankaan ka maqan oo aan ka soo qayb galin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka mid ahaa wasiiradii lagu casuumay shirka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here