Wasiirka maaliyadda XFS oo kulan la yeeshay safiirka dowladda Sweden

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mudane Joachim Waern.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.

Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here