Wasiirka maaliyadda XFS oo war cusub kasoo saaray dayn cafinta Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa qoraal uu soo saaray ku xusay guusha taariikhiga ahayd ee sanad kahor laga gaaray deyn cafinta iyo xaaladda dhaqaale ee dalka sannad kadib deyn cafinta.

 

Biixi ayaa sheegay in sannadkii la soo dhaafay aysan dowladdu wax deyn cusub ah qaadan, iyagoo diiradda saaray horumarinta dakhliga gudaha iyo dib-u-habaynta maaliyadda.

“Maanta oo kale sanad ka hor, waxa ay ii ahayd sharaf in aan goob joog u ahaado, iyadoo uu na wehliyo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, markii nalaga cafiyay deyn dhan $5 bilyan oo curyaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay heshiisyo muhiim ah la saxiixatay dalalka ku jira Naadiga Paris iyo kuwa aan ku jirin ee Non-Paris Club, kuwaas oo qayb ka ahaa dadaallada lagu baabi’inayo deymaha lagu lahaa Soomaaliya.

“Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale, dowladdu waxay ka go’an tahay inay sii waddo dib-u-habaynta maaliyadda, xoojinta maamulka wanaagga, iyo kordhinta dakhliga si loo maalgeliyo adeegyada bulshada, sida shaqaaleysiinta macallimiinta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Hannaanka deyn cafinta ayaa ahaa mid muhiim ah oo u suurtogaliyay Soomaaliya inay dib u hanato awooddeeda dhaqaale, iyadoo laga saaray culeysyo dhaqaale oo haystay muddo tobanaan sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here