Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulamo miro-dhal ah kula yeeshay madax ka tirsan Dowladda Japan

0

Yokohama, Japan – Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Yokohama ee dalka Japan kulan la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Japan, intii uu socday Shirweynaha 9-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD-9).

 

Kulamada uu Wasiirku la yeeshay madaxda Japan waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda JICA, iyo Guddiga Baarlamaanka Japan–Midowga Afrika. Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, taageerada horumarineed, iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhalinyarada.

Wasiirka waxaa kulamada ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi, Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Lataliyaha Dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Aweys Cabdullaahi Cali.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan, Mudane IWAYA Takeshi, ayaa sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Wasiir Beenebeene iyo Madaxweyne Ku-xigeenka JICA, Miyazaki Katsura, ayaa isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda horumarineed, tababarrada xirfadeed, iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo taageero shaqo-abuurka iyo horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirku wuxuu sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Baarlamaanka Japan–AU, oo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga bulshada Soomaaliyeed.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto in ay xoojiso xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga horumarineed, si loo gaaro yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga 2060.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here