Oslo, Norway – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hoggaamineysa wafdi heer sare ah oo booqasho shaqo ku jooga dalka Norway, ayaa kulan miro-dhal ah la qaadatay Xoghayaha Shaqaallaha iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Norway, Mr. Kjetil Vevle.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan iskaashiga ku aaddan horumarinta arrimaha bulshada, daryeelka carruurta, haweenka iyo dadka naafada ah.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Maxamed Bashiir Cumar, iyo Cabdullaahi Maxamed Calas, oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway. Mas’uuliyiinta labada dhinac waxay si qoto dheer uga wadahadleen sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee ay si gaar ah ugu baahan yihiin kooxaha nugul.
Sidoo kale, wafdiga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Norway (NORAD), Ms. Kristin Hagstad. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda iskaashiga dhinaca horumarinta, gaar ahaan mashaariicda la xiriira daryeelka carruurta, haweenka, iyo taageerada adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in booqashadan ay tahay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, iyadoo sidoo kale lagu bartilmaameedsanayo dhisidda nidaamyo adkeynaya ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Inta lagu guda jiro booqashada shaqo, Wasiirka iyo wafdigeeda ayaa sidoo kale kulammo muhiim ah la yeelan doona qeybaha kala duwan ee dowladda Norway iyo hay’adaha caalamiga ah ee halkaasi ka howlgala.



