Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Haweenka Adduunka

0

New York – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Aduunka ee ka socda New York.

 

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso ayaa Soomaaliya sanadkaan uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka oo ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka maanta uga hadashay guullaha iyo hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo ay ugu horeysay dhismaha guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, in Soomaaliya ay dib ulasoo laabatay madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka iyo Hormarinta Haweenka.

Inta Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo wafdigeeda ay ku sugan yihiin magaalada New York waxaa kulammo kala duwan ay la qaadan madaxda shirkan kasoo qeybgashay qaarkood ayadoo sidoo kalena ay Wasiiraddu ay khudbado ka jeedin doonto shirar kale oo berri ka dhici doona isla magaalada New York ee dalka Mareykanka.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here