Wasiirka Qoyska oo soo xirtay Xuska Toddobaadka Haweenka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Magaalada Mogadishu ayaa lagu soo gabagabeeyey munaasabadda Toddobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Bandhigga Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed, oo qeyb ka ahaa dabaal-degga International Women’s Day ee 8-da Maarso.

 

Munaasabadda xiritaanka waxaa si rasmi ah u soo xirtay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khadija Mohamed Al-Makhzoumi. Wasiiradda ayaa uga mahadcelisay haweenka ganacsatada ah ee soo bandhigay wax-soo-saarkooda iyo hal-abuurkooda, iyadoo ku bogaadisay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarka dalka.

Xafladda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Ahmed Moalim Fiqi, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş, masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale. Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyey goobaha ay haweenka ganacsatada ah ku soo bandhigeen badeecadahooda, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii horumariyaan ganacsigooda.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Amb. Alper Aktaş, ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku ammaanay dadaalka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee ku aaddan taageerada haweenka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda fursadaha ganacsi ee ay helayaan.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ka qaateen horumarka dalka iyo sugidda amniga, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Bandhigga Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed ayaa intii uu socday fursad u noqday haween badan oo ganacsato ah inay soo bandhigaan wax-soo-saarkooda, isla markaana ay helaan macaamiil cusub iyo taageero bulsho. Sidoo kale, haween badan ayaa ka faa’iidaystay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah oo lagu bixiyey intii ay socdeen munaasabadaha Toddobaadka Haweenka.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa sanadkan si ballaaran u qabatay munaasabadda Toddobaadka Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta kaalinta haweenka ee horumarinta dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadda dalka.May be an image of ‎one or more people, dais, crowd and ‎text that says "‎HAWEENKA SOMALIWOMEN @BUSINESS בכפאו BANDHIGGA GANACSIGA HAWEENKA mm Orgnizedby MntotFamily Eally ofFamily Minintry &HumanRi Developmemt " GanacsiyadaYaryarwaa Zwaa aa Awood-siinta Awood siinta Haweenka lah Ganacsiy Ganacsivada esiyada Koboca नहमे iyo Horumarka Bulshada. 錦 Eegm:dsHodan Hodan 7-8March2026 너 03000m 1am‎"‎‎May be an image of ‎one or more people, dais, newsroom and ‎text that says "‎TODOBAADKA WEENKA Awood-siinta Haweenka leh Ganacsiyada uraha Koboca Dhaqaalaha Yaryar waa Horumarka Bulshada. 雪 GA TODOBAADKA HAWEENKA SOMALIWOMEN WOMEN BUS OBUSINES NESS BANDHIGGA HAWEENKA Orgnizedby Ministry Ministry ه tFamily ofFamily luman Devolopmont " Furaha Koboca Dhaqaalaha -siinta Haweenka aryar-waa iyo Horumarka Bulshada. 跑 Degrrciat אר runc March 2025 03 Oar ami 300‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here