Wasiirka Qoyska XFS oo Booqasho Ku Tagtay Maxkamadda Qoyska ee Qatar

0

Doha, Qatar – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Marwo Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagtay Maxkamadda Qoyska ee Dowladda Qatar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

 

Wafdiga Wasiiradda waxaa Maxkamadda kusoo dhaweeyay Dr. Ghanem bin Thamer Al-Mutref Al-Humaidi, oo ka tirsan Guddiga Adeegga Garsoorka ee Qatar. Intii ay booqashada socotay, Wasiiradda iyo wafdigeeda waxaa si qoto dheer loogu soo bandhigay qaabka ay u shaqeyso Maxkamadda Qoyska, qeybaha ay ka kooban tahay, iyo sida ay u wajahaan kiisaska la xiriira arrimaha qoyska.

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi iyo wafdigeeda waxay kulammo muhiim ah la yeesheen masuuliyiinta maxkamadda, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray caqabadaha ka jira maamulka garsoorka ee arrimaha qoyska, iyo hababka ay dowladda Qatar u adeegsato xallinta arrimahaasi.

Intii kulamadaasi socdeen, Wasiiradda waxay la wadaagtay masuuliyiinta Maxkamadda Qoyska ee Qatar caqabadaha la xiriira arrimaha qoyska ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan baahida loo qabo dhisidda Maxkamad Qoys oo si gaar ah u qaabilsan xalinta khilaafaadka qoysaska Soomaaliyeed.

Marwo Amb. Khadiija Al-Makhzoumi ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan karto nidaamka garsoor ee Qatar, maadaama labada dal ay wadaagaan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin diinta Islaamka iyo dhaqanka.

Ugu dambeyn, Wasiiradda iyo wafdigeeda ayaa kormeeray goobaha dhageysiga dacwadaha iyo qeybaha loogu talagalay dhexdhexaadinta qoysaska, taasoo qeyb ka ahayd isbarasho iyo kor u qaadid wada-shaqeynta mustaqbalka ee labada dal.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of one or more people and text that says "T9 EXII 7"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, hospital and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here