Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Ka Qayb Galay Shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada ee Sacuudiga

0

Riyaad, Boqortooyada Sacuudi Carabiya — Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Prof. Saalim Caliyow Ibroow, ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Suuqa Shaqada oo ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 40 wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan oo caalamka ah.

 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mustaqbalka shaqada, isbeddellada casriga ah ee suuqyada shaqada, iyo sidii loo dejin lahaa istiraatiijiyado iyo habraacyo shaqo oo waara, kuwaas oo la jaanqaadaya horumarka teknoolojiyadda iyo isbeddellada dhaqaalaha caalamiga ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa shirka ka jeediyay hadal uu ku soo bandhigay xaaladda guud ee suuqa shaqada Soomaaliya, isaga oo iftiimiyay caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee dalka ka jira.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijyo shaqo-abuur ah, kuwaas oo lagu taageerayo dhallinyarada Soomaaliyeed laguna horumarinayo xirfadaha ay u baahan yihiin suuqyada shaqada ee casriga ah.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta suuqa shaqada, abuurista fursado shaqo oo waara, iyo kor u qaadista ka qaybgalka dhallinyarada ee horumarka dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

May be an image of one or more people, dais and text that says "C - GLOBAL CLOBALABORMARKETCONFERENCE LABOR MARKET CONFERENCE MONISTERALBOUNOTABLE MINISTERIAL ROUNOTABLE"May be an image of dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here