Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP)

0

Muqdisho  – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Caliyoow Ibrow, ayaa xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo WFP, gaar ahaan horumarinta barnaamijyada ilaalinta bulshada, taageerada dadka nugul, iyo dadaallada lagu xoojinayo badbaadada iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed.

Wafdiga WFP waxaa hoggaaminayay Mudane Hameed Nuru, Agaasimaha Maamulka Hay’adda, waxaana sidoo kale ka mid ahayd Marwo Hamdi Khalif, Madaxa Ilaalinta Bulshada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yusuf Xasan Isaaq (Yusuf Wadani), iyo qaar ka mid ah lataliyeyaasha sare ee Wasaaradda.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga si loo dardargeliyo barnaamijyada taageerada iyo ilaalinta bulshada ee dalka, si loo gaarsiiyo adeegyada bulshada dadka u baahan.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo dadka nugul iyo kuwa u baahan gargaarka degdegga ah.May be an image of one or more people and daisMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎SHAU AEION والشزون MHIMAHA AH WASAARADDA 종0M وزارة /ርስ BULSHADA FEL MIN SOMALIA MA BLIC I AFFAIR UR AND SOCIAL SOCIAL RADA ADA QADA‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here