Ankara – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Marwo Mahinur Özdemir Göktaş.
Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wasaaradood, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga. Doodda kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada, iyo sidoo kale sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha bulshada ee labada dhinac.
Waxaa kulanka laga isla gartay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah, kuwaas oo diyaarin doona Heshiis Iskaashi (MoU) oo u dhexeeya labada wasaaradood, si loo dardargeliyo barnaamijyada lagu xoojinayo dhismaha awoodda hay’adaha bulshada iyo tayeynta adeegyada bulshada.
Wasiir Prof. Salim Aliyoow Ibro ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga taageerada joogtada ah, iskaashiga miro-dhalka ah iyo walaaltinimada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.





