Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo Qaabilay Agaasimaha Cusub ee WFP

0

MUQDISHO — Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee World Food Programme (WFP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta maamulka iyo maaraynta kheyraadka biyaha, kobcinta karaanka aqooneed ee hay’adaha dowladda, iyo adeegsiga hannaanka casriga ah ee xogta biyaha (Hydrological Modeling).

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam xog-ururin iyo falanqayn casri ah, si loo hagaajiyo qorsheynta, ka hortagga fatahaadaha iyo abaaraha, iyo hubinta in bulshada Soomaaliyeed ay helaan biyo waara oo la isku halleyn karo.

Wada-shaqeyntan ayaa la sheegay inay laf-dhabar u tahay qorshaha qaran ee lagu xaqiijinayo helitaanka biyo joogto ah oo tayadoodu sarreyso, isla markaana kor u qaadaya adkeysiga bulshada ee la tacaalidda isbeddelka cimilada.

May be an image of dais and text that says "6 YC យ"May be an image of one or more people, dais, newsroom and text that says "AND WATE OF OF ENE MINISTRY LAA MENT 3"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here