Dhuusamareeb – Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo kala duwan oo laga hirgeliyey koronto bilaash ah, kuwaas oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee lagu xoojinayo helitaanka adeeg koronto oo waara, gaar ahaan xarumaha bixiya adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana mashruucan laga fuliyey magaalada hoos yimaada Mashruuca Soo-kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS).
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Nuur Xaaji, oo wafdiga ku soo dhoweeyey xafiiskiisa, ayaa uga mahadceliyey booqashada Wasiirka Federaalka, isaga oo faahfaahin ka bixiyey shaqada socota iyo mashaariicda tamareed ee Wasaaraddu ka hirgelisay Galmudug.
Dhanka kale, maamulka Isbitaalka Weyn ee Dhuusamareeb ayaa sheegay in korontada bilaashka ah ee la siiyey ay si weyn wax uga beddeshay tayada adeegyada caafimaadka, ayna ka maarmeyn korontadii hore ee lacagta ku bixi jirtay.
“Waxaan Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS uga mahadcelinaynaa Mashruuca Soo-kabashada Korontada Soomaaliya (ILAYS). Korontada nala soo gaarsiiyey si weyn ayaan uga faa’iidnay, waxaana hadda awood u yeelannay in kharashaadkii hore ee korontada naga bixi jiray aan ku daboolno adeegyo kale oo muhiim ah,” ayuu yiri maamulka isbitaalka.
Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo dayactirka qalabka tamarta qoraxda (Solar), si loo hubiyo in nidaamyadaasi noqdaan kuwo waara oo si joogto ah u shaqeeya.
Wuxuu sidoo kale xusay in mudnaanta koowaad ee Mashruuca ILAYS ay tahay in si hufan loogu adeego bulshada, gaar ahaan xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada, taas oo waafaqsan tilmaamaha Madaxda Qaranka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
“Hiigsigeennu waa in Soomaaliya ay dhawaan hesho koronto la awoodi karo, isla markaana la helo biyo yareeya saameynta abaaraha ka jira dalka,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan.






