Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi hal maalin socday oo ku saabsanaa habraaca xiriirka hay’adaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo u qaabilsan xiriirka iyo warbaahinta hay’adaha dowladda. Intii uu socday, waxaa lagu soo bandhigay tusaalooyin iyo tijaabooyin la xiriira mowduuca aqoon-isweydaarsiga, si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo isku dubbaridka farriimaha.
Wasiir Daa’uud Aweys oo hadal ka jeediyay munaasabadda xiritaanka ayaa tilmaamay in dowladdu mudnaan gaar ah siisay mideynta farriimaha ka soo baxaya hay’adaha, si ay u noqdaan kuwo degdeg ah, sugan, isla markaana xambaarsan xogaha ay shacabku sugayaan waqtiga ku habboon. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga hortago marin-habaabinta iyo been-abuurka ay faafiyaan Khawaarijta iyo kuwa la hal-maala.
Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo isku xirnaanta hay’adaha dowladda ee ku aaddan mideynta farriimaha rasmiga ah.
Ugu dambeyn, Wasiir Daa’uud Aweys iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaashii aqoon-isweydaarsiga.






