HARGEISA — Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa is-casilay kadib rabshado ka dhacay Boorama oo ka dhashay war-saxaafadeedkii uu ku fasaxay munaasabadda Xeer Ciise.
War-saxaafadeedkaas oo Khamiistii la akhriyey ayaa sababay dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhinteen in ka badan 15 qof, halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen. Wasiir Ayaanle, oo aan goob joog ka aheyn magaalada muddadii laba maalmood ee bannaanbaxyada socday, ayaa sheegay in go’aanka uu ansixiyay Madaxweynaha, isaga oo kaliya u gudbiyay shacabka.
“Mas’uuliyad shaqsi ah kama qaadi karo go’aan muran dhalinaya oo saameyn ku leh qoyskeyga iyo gobolka; Madaxweynaha ayaa ansixiyay, aniguna kaliya ayaan u gudbiyay,” ayuu yiri Wasiir Ayaanle.
Wasiirku wuxuu Madaxweynaha ku tilmaamay nin furan oo fursad u siiyay inuu la shaqeeyo, isagoo uga mahadceliyay wada-shaqayntii. Waxa uu intaa ku daray inuu si toos ah warqaddiisa is-casilaadda ugu gudbiyay Madaxweynaha, kaasoo aqbalay, iyaga oo isla duceystay dalka.
“Waxaan u ducaynayaa shacabka Somaliland, waxaana uga mahadcelinayaa garab istaaggii ay ii muujiyeen intii aan xilka hayay,” ayuu yiri Wasiirku.
Xogaha caafimaad ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay korodhay, iyadoo ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen, halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen.




