Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wakiilka Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya, Dr. Mary Otieno.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo UNFPA, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta horumarineed, isku-duwidda mashaariicda, iyo kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada horumarinta.
Labada dhinac ayaa isla gartay in mashaariicda iyo barnaamijyada la fulinayo ay waafaqaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Dukumintiga Barnaamijka UNFPA ee Dalka, iyadoo xoogga la saarayo hufnaan, isla-xisaabtan iyo saameyn waarta.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Wakiilka UNFPA ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta joogtada ah, si loo dardar-geliyo horumarinta bulshada iyo tayeynta adeegyada muhiimka ah ee dalka.






