Wasiirka Waxbarashada oo Guddoomiyay Shir Gaar ah oo Ku Saabsan Gurmadka Dhibanayaasha Qaraxii Soobe 2

0

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta guddoomiyay shir gaar ah oo ay yeesheen Guddiga Qaran ee Gurmadka, kaasoo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).

 

Shirka ayaa si weyn diiradda loogu saaray xoojinta gurmadka iyo taageerada dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii Soobe 2, oo maanta laga joogo saddex sano.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka tirsan ganacsatada, iyo wakiillo ka socda ururada bulshada rayidka, kuwaas oo dhammaantood xubno ka ah guddiga.

Guddigu waxay isla meel dhigeen in si gaar ah loo daryeelo agoonta iyo carruurta ay waalidiintooda ku geeriyoodeen qaraxa, si loo yareeyo culeyska iyo dhibaatada ay la daalaa dhacayaan.

Waxa kale oo ay bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada, iyo hay’adaha samafalka ku booriyeen in ay sii wadaan ka qayb qaadashada gurmadka, si loo xaqiijiyo in taageerada la gaarsiiyo dadka ay musiibadu saameysay.

Tani waxay muujineysaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada rayidku uga go’an tahay in la taageero dhibanayaasha musiibooyinka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo gurmadka degdega ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here