Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Dr. Nabiil Maxamed Axmed, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

 

Wasiirka Tacliinta Sare ee Jabuuti ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta tayada waxbarashada, xoojinta iskaashiga dalalka gobolka, iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee waxbarashada dalka.

Soo dhoweynta wasiirka ayaa muujinaysa xiriirka walaaltinimo, iskaashi iyo is-afgarad ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta aqoonta.

May be an image of one or more people, newsroom, dais, the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here