MUQDISHO (SMN) – Wasiirkii saddexaad oo ka tirsanaa xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa xalay shaaciyay inuu is casilay, sababo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.
Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi oo kasoo jeedo Puntland ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tegay shaqada, wuxuuna ku eedeeyay dowladda dhexe in ay baal-martay dastuurkii dalka, sidoo kalena ay siyaasadeysey mashaariicda Puntland.
Qoraal uu soo saaray ayaa sidoo kale ku faah-faahiyay sababaha ka dambeeys is casilaaddiisa iyo eedeymaha kulul ee uu u jeediyay dowladda Soomaaliya.
Waxaa horay sidaan oo kale isku casilay wasiiru dowlihii qorsheynta iyo wasiir ku xigeenkii wasaaradda waxbarashada oo labaduba deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland oo iyadana uu khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowladda dhexe.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-
Ku: Ra’iisal wasaaraha XFS
Og: Xafiiska Madaxweynaha JFS
UJEEDDO: Is casilaad
Mudane Ra’iisal wasaare:
- Markii aan arkay in horumarkii iyo howlihii Qaran in looga Mashquulay kala dhantaalida iyo dhaawacida midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.
- Markii aan arkay in shaqadii Xukuumaddu ku soo ururtay danaysi iyo damac gaar ah.
- Markii aan arkay in Xukumada shaqo ka dhigatay abuurida colaado sokeeye iyo kala qaybinta bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan dadka iyo deegaanka aan ku metalo Kursi Xildhibaanimo iyo kan Golaha Xukumada ee Dowlada Puntland.
- Markii aan arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed si toos ahna loogu diiday dadkii iyo dowladii aan metelay ee Puntland.
- Markii aan xaqiiqsaday in XFS Shaqayso burburinta nidaamkii lagu heshiiyey ee Federaalka ahaa.
- Markii aan arkay in XFS ay baalmartay dastuurkii dadka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen.
- Markii ay ii cadaatay in XFS ku howlan tahay in ay deegaanada Jubbaland ka wadato abuurista colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.
Hadaba, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2024 go`aansaday in aan iska casilo xilkii Wasiir ku xigeenka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS.
ALLAA MAHAD LEH.
Xill,Sadam Mohamud Abdi