Muqdisho — Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah uga qeybgalay kulan muhiim ah oo lagu ansixinayey Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED).
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Lataliyaha Amniga Qaranka iyo wakiillo ka socday beesha caalamka oo taageero iyo latalin siinaya dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi, ayaa goobta ka sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta awooda iyo kartida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si looga hortago ugana falceliyo khataraha ka imaanaya qaraxyada macmalka ah ee ay adeegsadaan kooxaha argagixisada iyo falalka amni-darrada ku faafa dalka.
Wasiir Fiqi ayaa cadeeyay in qorshahan cusub uu yahay mid istiraatiiji ah oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo khasaaraha nafeed iyo midka hantida ah ee ka dhasha qaraxyadaasi.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in hirgelinta qorshahan ay ku saleysnaan doonto wada shaqeyn dhow iyo masuuliyad wadaag ah oo ka dhexeysa hay’adaha amniga dalka, sida booliska, sirdoonka, iyo ciidamada kale ee ammaanka, si loo helo nidaam wax ku ool ah oo lagu ciribtiro qaraxyada macmalka ah.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka iyo dowladaha saaxiibada ah, si loo helo taageero farsamo iyo mid tababar.
Dhanka kale, wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Laanta La-socodka Hubka, Rasaasta iyo Walxaha Qarxa ee Xafiiska Amniga Qaranka, oo dadaal xooggan ku bixisay diyaarinta iyo isku-duwidda qorshahan.
Hay’adahan ayaa la sheegay inay kaalin mug leh ka qaadan doonaan hirgelinta iyo dabagalka qorshaha si loo xaqiijiyo badbaadada shacabka iyo xasiloonida dalka.
Kulankan ayaa ah mid ka mid ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo amniga gudaha iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada, kuwaas oo weli ku howlan qaraxyada iyo weerarada kala duwan ee ka dhanka ah shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Ugu dambeyn, wasiirada ayaa ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo laamaha amniga ay si buuxda u taageeraan qorshahan, isla markaana ay ka qayb qaataan wacyigelinta bulshada si looga hortago in qaraxyada macmalka ah ay ku faaftaan deegaanada dalka.











