Muqdisho — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Jimcihii khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Mudane Dr. Vivian Balakrishnan.
Intii uu socday wada hadalka, labada wasiir waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Singapore, iyagoo diiradda saaray iskaashi dhinacyo badan leh oo dan wadaag ah. Sidoo kale, waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Labada dhinac waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo taageeridda mabaa’diida madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Wadahadalkan ayaa muujinaya sida ay labada dal uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ixtiraamka nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciyadda.





