Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Midnimada iyo Madaxbannaanida Dalka

0

MUQDISHO  – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wadahadal rasmi ah Mudane Wang Yi, Xubin ka tirsan Golaha Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga Shiinaha (CPC) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha.

 

Intii uu socday wadahadalkan, labada dhinac ayaa xaqiijiyay xoogga iyo adkeysiga iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo taageerada ay isu hayaan danaha aasaasiga ah ee qaran. Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen horumarka wanaagsan ee xiriirka labada dal, iyagoo ku heshiiyay in la sii xoojiyo kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wax ku oolka ah.

Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada qaran, iyo wadajirka dhuleed, iyagoo ku dhaqmaya mabda’a aan faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.

Dowladda Shiinaha ayaa mar kale si rasmi ah u caddeysay taageeradeeda buuxda ee wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo adkaysay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’ayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u hayso mabda’a Hal-Shiinaha (One-China Principle), dhammaan dadaallada Shiinaha ee dib-u-mideynta qaran, iyo ansaxnimada Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Resolution 2758.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa ku jiray socdaal shaqo oo ku saabsan qaaradda Afrika, kaasoo horay loogu qorsheeyay in uu booqdo Soomaaliya toddobaadkan, balse dib u dhac ayaa yimid. Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa xaqiijiyay in Shiinaha uu si buuxda u taageerayo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu safar rasmi ah ugu ambabaxo dalka Shiinaha, ka dib casaumaad rasmi ah oo ka timid dhiggiisa dalkaas.

Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dalalka adduunku ku dhaqmaan mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana laga horyimaado hanjabaadaha, adeegsiga xoogga, iyo tallaabooyinka qasabka ah ee ku xadgudbaya madaxbannaanida dalalka kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here