Wasiiru-Dawlaha Gaashaandhigga Soomaaliya oo La Kulmay Danjiraha Midowga Yurub

0

Muqdisho (AFP) – Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda European Peace Facility (EPF).

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada joogtada ah iyo midda wax ku oolka ah ee ay EPF siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), taageero kaalin weyn ka qaadatay dib-u-dhiska iyo xirfadaynta ciidanka qaranka.

Wasiiru-Dawlaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradooda joogtada ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay u leedahay dadaallada Soomaaliya ugu jirto dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

Kulanka ayaa mar kale xaqiijiyay xiriirka adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sida labada dhinac ay ugu heellan yihiin horumarinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here