MUQDISHO [SMN] – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa ka hadlay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ee ku saabsan nabad ilaalinta, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay qaabka uu u socdo howlgalkaasi iyo sida ay wadamada qeybta ka ah u howlgalayaan.
Cali Balcad ayaa cadeeyay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Masar ay qeyb ka noqon doonaan howlgalka cusub ee Soomaaliya, halka ciidamada Burundi aysan qeyb ka noqon doonin.
Waxay tani keentay su’aalo iyo dooddo badan oo ku saabsan sida ay ciidamada Itoobiya iyo Masar uga wada mid noqon karaan howlgalka, iyadoo labada dal ay ka dhaxeyso xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa wabiga Niil.
Dooda ayaa xooggan ka taagan tahay, iyadoo dadka qaarkiis ay fasireen in xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan biyaha wabiga Niil ay saameyn karto xiriirka labada dal marka ay Soomaaliya ku dhex-jiraan howlgalka nabad ilaalinta.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si madax-bannaan u maamuli doonto howlgalka, ayna xaq u leedahay in ay go’aamiso cidda qeyb ka noqonaysa iyo sida loo fulinayo.