Muqdisho — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir, ayaa maanta Dekedda Weyn ee Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Midowga Yurub, oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho, Dr. Cali Xaaji iyo Cabdullaahi Kaarshe, waxaana diiradda lagu saaray horumarinta dekedaha dalka, doorka Midowga Yurub ee taageeridda qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee horumarinta iyo ballaarinta Dekedda Muqdisho, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira badqabka iyo nabadgelyada badda.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee ku aaddan casriyeynta kaabeyaasha dekedaha, kor u qaadista adeegyada badda iyo xoojinta amniga marin-biyoodka Soomaaliya.
Sidoo kale, wafdiga Midowga Yurub ayaa kormeer ku tagey qeybo ka mid ah Dekedda Caasimadda, halkaas oo ay si dhow ugu kuurgaleen howlaha baaxadda leh iyo horumarka socda ee ka jira dekedda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekedaha oo laf-dhabar u ah ganacsiga iyo isku xirka dalka.






