Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo booqday markab dagaal oo Turkiga ka yimid

0

MUQDISHO – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday markabka dagaalka ee TCG SANCAKTAR oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga, kana soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dib-u-dhiska, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha ka imaan kara marinnada badda.

Mas’uuliyiinta booqashada ku wehliyay waxaa ka mid ahaa Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo Soomaaliyeed iyo Turki ah.

Booqashadan waxay muujinaysaa sii xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga badda iyo horumarinta awoodda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

May be an image of submarine and textMay be an image of submarine and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here