Weerar Drone ah oo Ka Dhacay Congo laguna Dilay Shaqaale ka Tirsan UNICEF

0

Goma,Congo- Magaalada Goma ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo ayaa wajahday weerar culus oo loo maleynayo in loo adeegsaday drone, kaas oo sababay dhimashada shaqaale gargaarka bini’aadantinimo ka tirsan hay’adda UNICEF. Weerarka ayaa si weyn uga naxiyay bulshada caalamka iyo hay’adaha gargaarka.

 

Qofka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Karine Buisset, oo ahayd muwaadin Faransiis ah kana shaqeynaysay UNICEF. Qaraxa ayaa ku dhacay guri laba dabaq ah oo ay deganaayeen shaqaale gargaarka, meel u dhow Harada Kivu ee bartamaha magaalada Goma.

Weerarka ayaa sidoo kale sababay dhimashada ugu yaraan laba qof oo kale iyo burbur hantiyeed oo ka dhacay goobta.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadu ay dhaceen aroortii hore, waxaana la sheegay in drone-ku ku dhacay dhisme ay deganaayeen shaqaale caalami ah iyo hay’ado gargaarka. Goobta la weeraray waxay ku dhoweyd guriga madaxweynihii hore ee Congo, Joseph Kabila.

Dhacdadan ayaa dhacday xilli ay magaalada Goma gacanta ku hayaan fallaagada Jabhadda M23, kuwaas oo qabsaday magaalada sanadkii 2025 kadib dagaallo culus oo ay la galeen ciidamada dowladda Congo.

Kooxda M23 ayaa ku eedeysay dowladda Congo inay ka dambeyso weerarka drone-ka, halka dowladda Congo ay beenisay eedeyntaas. Dowladda ayaa sheegtay in ay bilaabeyso baaritaan rasmi ah si loo ogaado cidda ka dambeysa qaraxyada iyo sida ay u dhaceen.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay iyo madax badan oo caalami ah ayaa si adag u cambaareeyay weerarka. Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa tacsi u diray qoyska dhibbanaha, isagoo sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka.

Bariga Congo ayaa muddo dheer ahaa goob ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan, gaar ahaan kooxda M23. Colaaddaasi waxay sababtay barakaca malaayiin qof, iyadoo xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka ay sii xumaanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here