Weerar khasaare geystay oo ka dhacay gudaha degmada Bardaale

0

BARDAALE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Bardaale ee gobolka Baay.

 

Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay suuqa xoolaha ee degmadaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada amniga iyo ragga weerarka qaaday.

Xilliga uu dagaalka bilaabanayay waxaa socday imaatinka bulshada halkaasi subax waliba u  ganacsi taga halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana dib u laabtay xubnaha Al-Shabaab ee saaka weerarka ku qaaday gudaha Bardaale ee gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here