Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday Awdheegle iyo dagaal ka socda

0

AWDHEEGLE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Weerarka oo ku billowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, kaas oo u dhexeeyo xubnaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Awdheegle Maxamuud Saakow oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxa laga hortegay, isla-markaana uu ka dhacay ilinka hore ee laga soo galo degmadaasi

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in weli dagaalka uu socdo, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana sidoo kale lasoo wariyay in ciidamo gurmad ah ay hadda gaareen Awdheegle, si ay uga biiraan dagaalka, ugana hortegaan weerarka Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay xubnaha Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada dheelmashada ah ee ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin gobollada dalka. Weerarada xoogooda ayaa ka dhaca HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa macawiisleyda oo haatan wada howlgallo xoreyn ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here