Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday Wargaadhi

0

Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo ayaa Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab waxay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka War-gaadhi oo hoos yimaada Degmada Masjid Cali Gaduud ee Gobolka Sh.Dhexe.

 

Qaraxyada kadib waxaa bilowday dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Macawisley iyo Dagaal yahanada Al Shabaab.

Guddoomiyaha Masaajid Cali Gaduud, Saalax Cumar Xaayoow, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay iska caabiyeen weerarkii Al Shabaab, islamarkaana khasaaro lagu gaarsiiyay.

Wuxuu sheegay in uusan xaqiijin karin haatan khasaaraha dhabta, isagoona sheegay in wajigii hore dagaalka laga adkaaday Ururka Al Shabaab.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkii Al Shabaab.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Al Shabaab ku qaadeen weerar ka la mid ah saldhig ku yaalla Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen tobanaayo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here