Weerar culus oo lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Rasaas xoogan ayaa haatan laga maqlayaa qaybo ka mid ah xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena uu yaallo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar kaga soo galeen dhinaca Marina Gate ee dhanka Iskuul Buluusiya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxda ay qabsatay hotel ku yaal afaafka hore ee xerada, kaas oo ay fariistaan ajaaniibta iyo siyaasiyiinta Soomaalida ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegtay in xubno ka tirsan dagaalyahanadeeda ay gudaha galeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here