Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay duleedka Dhuusamareeb iyo xiisad ka taagan

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay duleedka Dhuusamareeb lagu dilay wiil iyo aabihiis, kadib markii ay weerareen maleeshiyaad beeleed hubeysan.

 

Dilka oo ka dhacay deegaan qiyaastii 40 KM u jira caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa loo gaystay marxuum Cali Cabdi Shire iyo wiil uu dhalay oo 4 sano jir ahaa.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sida uu u dhacay dilka, wuxuuna sheegay in aabaha la dilay uu ahaa reer guuraa, ayna baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisad xoogan oo ka dhalatay dilkan ay haatan ka taagan tahay aagga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here