MUQDISHO [SMN] – Xilli dad rakaab ah maalintii shalay saacado ay ku xiyirnaayeen Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku saabsan dhibaatada safarka ee ka taagan Garoonka Aadan Cadde.
Shirkada diyaaradaha gaarka loo leeyahay, ayaa sheegay in lacago dheeri ah lagu soo ragay, taasna ay sababtay xiyiraada saacadaha qaatay, balse wadahadal kadib lafasaxayย diyaaradaha duulimaadkooda gudaha iyo dibadda.
Maareeyaha guud ee Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan oo ka hadlayey arintaan, ayaa sheegay in SCAA iyo Shirkadaha diyaaradaha aysan lacag isku haynin, balse aรฝ isku hayaanย cabashooyin ka imaanaya shacabka oo xaga safarka la xiriira.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidaan horey shaqo joojin u u sameeyay, iyagoo ka cabanaya canshuuro xaf-dhaaf ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay taas oo markaasiย saameyn ku yeelata shaqadda duulimaadka ay u hayaan shacabka.
Shirkadaha qaarkood ayaa lagu eedeeyay in aysan si habboon ula dhaqmin rakaabka, taasoo sababta tacaddiyo badan oo keenay cabashooyin loo gudbiyo saraakiisha Garoonka.
Shacabka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan diyaaradaha, maadaama safarka dhulka uu yahay mid halis badan, oo laga baqayo weerarada Al-Shabaab.