Shabeellaha Hoose – Xaalad dagaal oo culus ayaa ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dagaal xooggan uu u dhexeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda deegaanada Sabiid Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo tuulooyinka hoos yimaada, halkaas oo ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic culus.
Weeraradan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku nool deegaannadaasi, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan khasaare naf iyo maalba leh oo gaaray shacabka.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee ku sugan deegaannadan ay yihiin dhibbanayaasha ugu weyn ee colaadda ka socota gobolka. Wuxuu xusay in xaaladdu ay weli tahay mid cakiran isla markaana shacabka loo baahan yahay in laga badbaadiyo waxyeelada dagaalka.
Prof. Dalxa ayaa intaa ku daray in ay jiraan laba amar oo iska soo horjeeda oo kasoo kala baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Taliska Ciidamada. Maamulka gobolka ayaa shacabka ku amray in ay ku laabtaan guryahooda, halka Taliska Ciidamada uu sheegay in xaaladdu weli tahay mid dagaal isla markaana aan la hubin ammaanka guud.
“Shacabka waxaan ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan goobaha ay ka socdaan howlgallada milatari,” ayuu yiri Prof. Dalxa.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii fido haddii aan la helin xal degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah.
Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin amarrada is khilaafsan ee kasoo baxay maamulka gobolka iyo ciidamada.




