Xaalad kacsanaan ah oo maanta ka taagan degmada Qoryooley

0

QORYOOLEY (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay gudaha degmada Qoryooley oo ay weli isku horfadhiyaan maleeshiyaad horay ugu wada dagaalamay degmadaasi.

 

Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay haatan dhaq-dhaqaaqyo horleh ka wadaan degmada , taas oo keentay inay cabsi dareemaan dadka deegaanka.

Dhinacyada ayaa laba maalin kahor ku dagaalamay Qoryooley, waxayna iska dileen dad badan, taas oo sii hurisay xiisadda ka taagan halkaasi.

Colaaddan ayaa waxaa sidoo kale hurinteeda lagu eedeynayaa mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Gallbeed oo ay ku jiraan wasiiro, taas oo uga sii dartay xaaladda ka taagan degmadaasi.

Qoryooley ayaa waxaa bilihii u dambeeyay ka dhacayay dagaal beeleedyo kala duwan oo gaystay khasaarooyin, kuwaas oo sidoo kale saameyn ku yeeshan amniga magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here