Sawirro: Xaaladda musqulaha garoonka diyaaradaha Muqdisho oo laga dayriyay

0

MUQDISHO (SMN) – Xaalad aan caadi ahayn ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha ee  Aadan Cadde, taas oo ku aadan musqulaha garoonka oo qaylo dhaan laga muujiyay.

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaan Foundation, Mudane Cabdullahi Nuur Cismaan oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in nadaafad darro ay ka jirto musqulaha garoonka, sidoo kalena uu ka muuqday burbur xoogan.

Cabdullaahi Nuur Cismaan oo soo bandhigay sawirrada musqulaha iyo xaaladda meesha ka jirta ayaa farriin u diray dowladda, wuxuuna ugu baaqay inay arrintaas wax ka qabato.

Qoraalka ayaa u qornaa sidatan:-

Xaalada Musqulaha Garoonka Aaden Abdulle International ee Muqdisho.

Musqulaha Garoonka Aaden Abdulle  International Airport, sidaan haloo dhaamo, marar badan Ayaan arkay iyagoo xitaa sidaan kasii liito, Markii aad ku fadhiisato waa kula liqliqanayaa oo Waxaad ka baqeeysaa ineey kula dhacdo, Qalabka waa duugoobay, Warqadi Musqusha malahan, mararka qaar Waxaad arkeeysaa biyaha oo go,an, warqadna ama Toilet Tissue aanay oolin!!.

Sida aan ognahay waxaa Maamula Shirkad Private ah , sidaa darteed Dowlada Somaliya, gaar ahaan Maamulka Garoonka waa ineey kormeer iyo joogtey ku hayaan Xaalada Musqulaha iyo Garoonka ,maadaama Garoonka yahay albaabkii laga soo galayey dalkeena.

Mida kale dadka Soomaaliyeed iyo Ajaanibtaba waxaa aay xaq u leeyihiin ineey helaan Musqulo Nadiif ah oo shaqeeynaya si la mid Garoomada kale ee Dunida iyo Gobolka .Xaalada Musqulaha.

Sawiradaan waa hadeer”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here