Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Markale Ku Qabtay Daroogo Garoonka Aadan Cadde

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in mar kale lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde daroogo tiro ahaan gaareysa 48 jawaan, kuwaas oo lagu soo qarinayey gudaha dalka si sharci darro ah.

Daroogadan ayaa la doonayey in si dhuumaaleysi ah loo soo geliyo dalka, waxaana la sheegay in ay socoto baaritaan balaaran oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay iyo shabakadaha ku lugta leh soo dhoofinta daroogadan halista ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda ee la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo ilaalinta amniga qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ballan qaaday in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay falalkan, iyadoo la xoojiyey la socodka iyo kormeerka meelaha laga soo galo dalka.

Wixii faahfaahin dheeraad ah ee arrintan la xiriira, Xafiisku wuxuu sheegay in lagu soo bandhigi doono wararka ku xiga marka ay baaritaannadu soo dhammaadaan.

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here