Xog: Xaggee la geeyay hubkii lagu bililiqeystay gobolka Galgaduud?

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo kamid ah gobolkaasi oo shalay lagu bililiqeystay hub laga keenay dalka Itoobiya.

Hubkan oo lagu siday gawaari xamuul ah ayaa waxaa weerar culus ku qaaday maleeshiyaad deegaanka ah oo dagaal la galay ciidamo la socday baabuurtaas, waxayna kadib kasoo furteen hubka oo ugu dambeyn u gacan galay dadka shacabka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in hubkan la geeyay degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanballe, halkaas oo saaka laga dareemayo xaalad kacsanaan.

Ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa Galmudug ayaa iyana lagu soo warramayaa inay dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah maleeshiyaadka hubka dhacay ka bilaabeen halkaasi, taas oo keentay in xaalad culus laga dareemo gobolka.

Lama oga cidda iska leh hubkan, balse xogaha hoose ayaa sheegayaan in siyaasiyiin reer Galmudug ay soo iibsadeen, isla markaana ay doonayeen inay geystaan deegaanada maamulka Galmudug.

Si kastaba, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Galgaduud oo aadan hubkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here