Guddoomiye Xaliimo Yarey oo war culus kasoo saartay doorashooyinka dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Gudoomiye Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey) ayaa si qoto dheer uga hadashay caqabadaha ku xeeran siyaasadda Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka.

 

Waxay tilmaantay in sharciga doorashada ee xukuumaddu u gudbisay Golaha Shacabka uu u muuqdo mid fursad siinaya hal xisbi oo keliya inuu doorashada ka qaybgalo, taasoo ay ku tilmaantay mid aan sharci ahayn.

Xaliimo Yareey waxay hoosta ka xariiqday in doorashooyinka saxda ah ay ku saleysan yihiin wada-ogol iyo heshiis ballaaran oo ay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda isku raacsan yihiin, si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid hufan oo caddaalad ah.

Waxay sidoo kale sheegtay in sharciga cusub uu ku qoran yahay si aan caddeyn waqtiga doorashada ay dhaceyso, taasoo muujinaysa inay xukuumaddu doonayso muddo kordhin iyo inay meesha iska sii joogaan.

Waxay carrabka ku adkeysay in doorashada waqtigeeda ku dhacda ay ku cadahay Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka, taasoo muhiim u ah in la ilaaliyo sharciga iyo hab-raaca saxda ah.

Sidoo kale, waxay sheegtay in sharciga cusub aan si cad u ilaalin xuquuqda haweenka, iyadoo saamigii haweenka laga saaray, taasoo ah tallaabo dib u dhac ku ah xuquuqda haweenka iyo ka-qaybgalka siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here