Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay Danjiraha Turkiga iyo Madaxda Shirkadda Favori

0

MUQDISHO, Sabti, 25 Oktoobar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, iyo madaxda Shirkadda Favori, oo maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

 

Intii lagu guda jiray kulanka, madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey qorsheyaasha shirkaddu ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada iyo kaabayaasha garoonka, isaga oo tilmaamay in lagu sameyn doono isbeddello ballaaran oo kor u qaadaya tayada adeegyada si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shirkadda uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, isaga oo xusay in garoonku yahay “albaabka ugu weyn ee dalka laga soo galo,” sidaas darteedna loo baahan yahay in uu noqdo mid casri ah oo si buuxda u daboolaya adeegyada safarka iyo amniga rakaabka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo mar kale uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, adeegyada bulshada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here