Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ammaanay doorka ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan maalgelinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo sannadihii dambe sameysay isbeddel amni oo dhiirrigelinaya maalgashiga gudaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalgelinta ay sameeyaan ganacsatada gudaha dalka ay leedahay faa’iidooyin badan, oo ay ka mid yihiin shaqo-abuurka dhallinyarada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta bilicda caasimadda.
“Maalgelinta ganacsatada ee gudaha dalka waxay gacan weyn ka geysaneysaa shaqo-abuurka, bilicda iyo dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. “Waxaan sameynay Qorshaha Isbeddelka Qaranka, kaas oo ganacsatada siinaya doorka ugu weyn ee maalgelinta dalka, waxaana looga fadhiyaa in ay ku dhiiradaan maalgashiga gudaha.”
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hadalkan ka sheegay xafladdii daah-furka Hotel Amara — oo ah hotel casri ah oo ay dhiseen ganacsato Soomaaliyeed — isagoo ku booriyay ganacsatada dalka in ay hantidooda ku maalgashadaan gudaha, maadaama uu si weyn isu beddelay amniga caasimadda, isla markaana ay dowladdu dejisay shuruuc hagaya maalgashiga gudaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ka go’an tahay abuurista jawi fududeynaya maalgelinta, taas oo dhiirrigelineysa in hantida Soomaaliyeed lagu maalgashado dalka, halkii ay ku bixi lahayd dibedda.




