MUQDISHO, 2 Disembar 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Talaadadii xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Eleanor Sanders, sida ay sheegeen masuuliyiin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay ku biirista Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, isaga oo uga mahadceliyay kaalinta ay London ku lahayd horumarradii Soomaaliya ka gaaray qaadistii cunaqabateynta hubka, dib-u-soo celintii kursiga QM iyo deyn-cafinta.
Xamsa ayaa sidoo kale wafdiga uga warbixiyay tallaabooyinka dib-u-habeynta dowladnimada, isagoo xusay in Soomaaliya ay yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo uu sheegay in Baarlamaanka labada aqal ansixiyeen, isla markaana xubnaha lagu soo xulay karti iyo waayo-aragnimo.
Danjire Sanders ayaa bogaadisay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay xoojinta xuquuqda aadanaha, iyadoo uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha sida uu u soo dhoweeyay.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa taageerada UK ee Soomaaliya.



