MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay isku-shaandheyn kale, iyadoo Soomaaliya ay la tacaalayso caqabado siyaasadeed iyo amni oo sii kordhaya.
Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay ku-xigeenka labaad ee ra’iisul wasaaraha, kadib markii laga soo wareejiyay wasaaradda difaaca. Cabdirashiid waxa uu hore u soo noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.
Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, isaga oo beddelaya Axmed Macallin Fiqi. Dhaay waxa uu hore u soo noqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Hawlaha Guud.
Axmed Macallin Fiqi, oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda, ayaa hadda noqon doona Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu isbedel sameeyo.
Fiqi waxa uu leeyahay khibrad ballaadhan oo dhinaca amniga ah, isaga oo hore u soo noqday madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA), Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Safiirka Soomaaliya ee Suudaan.



