Xamse oo xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho, Arbaco 2 Luulyo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Joachim Waern, oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee dalkeena.

 

Ra’iisul Wasaara, ayaa ku bogaadiyey Danjire Joachim, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyo arrimaha binu aadannimada, caafimaadka, waxbarashada, iyo la dagaallanka saboolnimada.

Dhankiisa, Danjire Joachim Waern, oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey kulanka sagootinta ah, ayaa tilmaamay in muddadii uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen wada-shaqeyn iyo garab istaag.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dowladda Sweden, si danaha shacabka Soomaaliyeed loogu gaaro wax-wada-qabsi iyo iskaashi.

May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people, wrist watch and suitMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 3 people, the Oval Office, dais and newsroom

— Dhammaad —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here