Xamza oo xilka u kala wareejiyay wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo wasiirka cusub

0

MUQDISHO (SMN) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeyta, Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xuluumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Xamsa  ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore oo hadda noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here