MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay geerida Jeneraal Sheegow Axmed Cali, oo shalay ku dhintay Isbitaalka Difgeer.
INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Waa maalin kale oo aan weynay sarkaal qiima badan oo waqti badan geliyay dadaallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ee caadeystay daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed. Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoyska uu ka baxay uga tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid AUN Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal usoo halgamay difaaca dalka, dadka iyo diinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jeneraal Sheegow uu u dhintay xanuunka Cagaarshowga oo mudo dheer la noolaa, oo beerkiisa ku sababay inuu shaqada joojiyo.
Qoyska Jeneraal Sheegow ayaa sheegay in marxuumka lagu aasi doono berri oo Arbaco ah Isbitaalka xoogga dalka, maadaama uu ahaa shaqsi katirsan Ciidamada xoogga dalka.
Marxuum Sheegoow ayaa xanuunsanayey mudooyinkaan, iyadoo xubno qoyskiisa ah ay sheegeen in uu waayey cid daryeesha.