Xasan Sheekh iyo Erdogan oo labo qodob uga hadlay kulankoodii Turkiga

0

ANTALYA [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya.

 

Labada Madaxweyne ayaa iska xog waraystay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda uu leeyahay mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu wajahayo argagixisada, isagoo ku ammaanay dowladda Turkiga kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayso nabadeynta iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa adkeeyey in dowladda Turkigu ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here