MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.
Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal